
Ciidanka Booliska Puntland ayaa xalay shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen doonni hub sharci-darro ah sida iyo raggii watay.
Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayay ku sheegeen doonnida oo hub sharci-darro ah soo gelinaysay xeebaha gobolka Raas Casayr ee Puntland.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Raas Casayr G/sare Fu’aad Mohamud Garab-yare oo hawlgalka hoggaaminayay ayaa laga soo xigtay in sidoo kale gacanta lagu dhigay saddex nin oo doonta watay.
Taliye Fu’aad ayaa u digay cidkasta oo ku heelan in ay xeebaha Puntland soo galiyaan hub sharci-darro ah isagoo sheegay in howlgalkan uu sii socon doono
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.