Boqorka Ingiriiska King Charles oo laga helay xanuunka Kansarka

Qasriga Boqortooyada Ingiriiska ee Buckingham Palace ayaa shaaciyay, in Boqorka Boqrtooyada Midowday ee Ingriiska ee Boqor Charles laga helay nooc ka mid ah xanuunka Kansarka.

Qoraal ka soo baxay Qasriga Boqortooyada ayaa lagu sheegay, in Boqor Charles uu hakin doono howlihi uu u hahay shacabka si loo daweeyo, balse ay niyaddiisu wanaagsan tahay.

Warka kasoo baxay boqortooyada Ingiriiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Charles uu billaabay in uu qaato dawooyin dhowr ah oo loogu tala galay in lagula tacaalo kansarka laga helay.

Charles, oo 75 jir ah ayaa loo boqray boqortooyada bishii September ee sannadki 2022-ki, kaddib geeridi hooyadiis Queen Elizabeth. 

PUNTLAND POST