
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa magaalada Riyadh kula kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman.
Kulanka Blinken iyo Maxamed Bin Salman ayaa qaatay muddo laba saacadood ah. Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Matthew Miller ayaa sheegay, in Blinken iyo Dhaxalsugaha ay ka wada hadleen iskaashi uu gobolka ka galo guul waarta oo laga gaaro qalalaasaha.
Wuxuu kaloo sheegay, in Blinken uu hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay leedahay baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira Gaza iyo in laga hortago in colaadda ay kusii baahdo gobolka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.