
Golaha Senate-ka Mareykanka ayaa soo gudbiyay $118.3 bilyan oo ay ku jirto $14 bilyan oo gargaar militari oo la siinayo Israa’iil.
Sharciga, wuxuu wali u baahanyahay inuu meel mariyo Golaha Guurtida ee Jamhuurigu maamulo, waxaa ka mid ah, sida loo qaybiyay lacagta la siinayo Israa’iil;
$ 4 bilyan oo loogu talagalay Israa’iil, si ay ugu xoojinayo nidaamkeeda difaaca hawada ee Iron Dome iyo nidaamyada difaaca David’s Sling si ay uga hortagaan weerarrada gantaallada.
$1.2 bilyan oo loogu talagalay “Nidaamka difaaca Beam si looga hortago khataraha gantaallada riddada gaaban.
$ 3.5 bilyan ee maalgelinta militariga shisheeye si ay uga caawiso Israa’iil dib u soo celinta amniga iyo ka hortagga khataraha.
Sharcigan ayaa sidoo kale $2.44bn ku siinaya howlgallada Mareykanka ee Badda Cas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.