Lix qof oo Oromo ah oo lagu dilay degmada Beledxaawo

Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in 6 qof oo ka tirsan qowmiyadda Oromoda lagu dilay halkaasi.

Guddoomiyaha degmada Beledxaawo Cabdirashid Cabdi Carook ayaa sheegay in dabley ka tirsan maleeshiyaadka AS ay toogteen 6 qof oo Oromo ah kuwaasi oo kala ahaa 4 rag ah iyo 2 dumar ah.

Guddoomiye Cabdirashid Cabdi Carook  ayaa sheegay in raggaasi hubeysan ay sidoo kale dileen haweenay Soomaali ah oo deggaanka ka soo jeeday.

Guddoomiyaha degmada Beledxaawo ayaa sheegay in dadka la dilay isla galabta lagu aasay Beledxaawo.

PUNTLAND POST