
Xildhibaannada Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah yeelanaya kulan ku saabsan ka doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.
Qoraal kooban oo loo diray Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay ajandaha kulanka oo looga doodayo arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.
Kulankan ayaa sida la rumaysan jawaab u ah shirka siyaasadeed ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni kaasi lagu martiqaaday Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxa Dowlad Goboleedyada iyo Mucaaridka Villa Somalia.
Baarlamaanka labada Aqal ayaa waxaa horyaala wax ka bedelka dhamaystirka dastuurka oo la qorsheynayo in la soo geba gabeeyo bisha March islamarkaana khilaaf xooggan ka taagan yahay sida loo wajahayo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.