Madaxweynihii dalka Namibia oo u geeriyooday xanuunka Cancer-ka

Madaxweynaha dalka Namibia, Hage Geingob ayaa ku dhintay da’da 82-sanno, sida uu sheegay xafiiskiisa, wax ka yar saddex toddobaad kadib markii la shaaciyay in laga daweyn doono kansarka.

Geingob waxa uu ku dhintay isbitaalka Lady Pohamba ee caasimadda Windhoek isaga oo xaaskiisa iyo carruurtiisa ay garab taagan yihiin, ku-simaha madaxweynaha,Nangolo Mbumba ayaa sidaas ku sheegay hadal uu soo dhigay barta Facebook-ga ee Geingob.

“Qaranka Namibia waxa uu lumiyay adeege caan, halgamaa xorriyada, madaxii qaabeeyay dastuurkeena iyo tiirkii Namibia,” Mbumba ayaa yiri.

Geingob, oo sidoo kale ku soo shaqeeyay 12 sano oo ra’iisul wasaare ah, wuxuu lahaa taariikh dhibaatooyin caafimaad oo ka hor doorashadiisa madaxweynaha saddexaad ee Namibia 2014.

Sannadkii 2013-kii, siyaasigii isu beddelay ka-hortagga midab-takoorka ayaa lagu sameeyay qalliin maskaxda ah, sannadkii xigayna wuxuu daaha ka qaaday inuu ka badbaaday kansarka qanjirka ‘prostate’.

Namibia oo horey u gumeysan jiray Jarmalka ayaa xornimada ka qaatay Koonfur Afrika 1990-kii, waxaana lagu wadaa in bisha November ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka.

Geingob kuma jirin musharrixiinta,  maadaama dastuurka Namibia uu madaxweynaha ku xaddiday ugu badnaan laba xilli oo xafiiska ah.

Musharaxa madaxweyne ee xisbiga talada haya ee SWAPO, Nandi-Ndaitwah, ayaa noqon doonta haweeneydii ugu horreysay ee madax ka noqota dalkaa haddii la doorto.

PUNTLAND POST