Puntland oo Maraykanka, UK iyo Germany la kaashanaysa La-dagaallanka Argagixisada iyo Burcad-badeeda

Taliyaha Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa jimcihii magaalada Nairobi kaga qayb galay shir ku saabsan la-dagaallanka Argagixisada, burcad-badeedda iyo Tahriibta.

Shirka ayaa lagu gorfeeyay sidii dowladaha Puntland, USA, UK iyo Germany isaga kaashan lahaayeen la-dagaallanka Argagixisada, burcad-badeedda iyo Tahriibta sida uu sheegay Taliska Booliska Puntland.

“Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeyb-galaya shir looga hadlaya sidii Puntland iyo Dawladaha USA, UK iyo Germany iskaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Argagixisada, Burcad-badeedka iyo Tahriibka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Shirkaas waxa Taliyaha Booliska ku weheliyay Agaasimaha Hay’adda PISF, Gen. Amiin Xaaji Kheyr,  ku-xigeenka Waaxda Denbi-baarista CID ee Booliska Puntland G/Sare Abshir Xuseen iyo La-taliye ka tirsan Ciidanka Booliska Muuse Geelle.

PUNTLAND POST