Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo xirtay kantaroolka bari ee Garoowe

Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland oo mushaar la’aan ka cabanaya gebi ahaanba saaka la wareegay kantaroolka bari ee caasimadda Garoowe.

Ciidamada ayaa xannibay isu socodka gaadiidka laamiga dheer kadib markii ay xirteen kantaroolka bari ee Garoowe.

Gadoodkan ayaa imaanaya iyadoo xukuumadda Siciid Deni ku fashilantay bixinta mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda mudda ku dhow hal sano.

PUNTLAND POST