Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaaciyay in ay xalay magaalada Garoowe ku qabteen rag ku eedaysan kufsi iyo moobil furasho.
Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayay ku sheegeen in ay xalay saq dhexe Garoowe ku qabteen rag ku eedaysan kufsi iyo moobil furasho kadib hawlgal ay magaalada ka fuliyeen.
“Taliska Qaybta Gobol ka Nugaal. ayaa hawl-gal ay ka fulliyeen saqdii dhexe ee xalay Magaalada Garowe ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan rag ku eedeysan kufsi iyo mobile furasho” ayaa lagu yiri qoraalka.
Hawlgalka ayaa sidoo kale intii uu socday lagu qabtay rag isticmaala maandooriyaha Khamriga iyo hubkii ay wateen kuwaas oo qaarkood hawlgalka lagu dhaawacay sida lagu sheegay qoraalka Booliska.
“Hawl-galka intuu socday waxaa sidoo kale lasooqabtay rag cabtoy ah oo qaar kamida inta uu hawl-galka dhaawac lagu qabtay iyo hubkii ay wateen”.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.