Madaxweyne Siciid Deni oo magaalada Qardho kula kulmaya boqor Burhaan boqor Muuse

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta ku wajahan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Madaxweyne Deni oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Puntland ayaa sida wararku tilmaamayaan ku sii jeeda magaalada Qardho.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu Qardho kula kulmo boqor Burhaan boqor Muuse oo ay weheliyaan odayaasha iyo waxgaradka magaalada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in sidoo kale uu shirar la yeelan doono mas’uuliyiinta gobolka Karkaar, kuwa degmada Qardho iyo saraakiisha laamaha amniga.

PUNTLAND POST