
Xoghayaha arrimaha debedda ee Britain David Cameroon ayaa sheegay in ay u badan tahay in Britain ay u aqoonsato Falastiin wadan madaxbanaan.
David Cameron, xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska, ayaa ka dhawaajiyay in Britain ay diyaar u tahay in ay kor u qaaddo wadahadallada ku saabsan in si rasmi ah loo aqoonsado dawlad Falastiin.
Waxa uu sheegay in dalkiisa iyo xulafadiisa kale ay joogaan goob aan laga laaban karin , si looga dhabeeyo yoolkaas muddada dheer la raadinayey.
Britain ayaa in muddo ah sheegaysay mowqif ah in ay aqoonsan doonto dawlad Falastiin ah kaliya “waqtiga saxda ah” ee geeddi-socodka nabadda ee Israa’iil.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.