Shaqaalaha iyo Ciidamada Puntland oo wajahaya mushaar la’aantii ugu wakhtiga dheerayd

In ka badan 9 bilood ayay mushaar la’aan yihiin shaqaalaha iyo ciidamada Puntland, halka wasaaraha qaarkoodna bilo ka hor laga jartay korontada iyo biyaha.

Dhammaan dhaqaalihii 2023 ku xerooday khasnadda dowladda ayaa loo isticmaalay hawla shakhsiyeed oo ay ku jirto dib u doorashadii Siciid Deni iyo caleema-saarkiisi.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa noo sheegay in xitaa dakhligii degmooyinka ka soo xerooday loo isticmaalay arrimaha doorashada islamarkaana ay haawanayan guud ahaan khasnadihi dowladda.

” Shaqaalaha dowladdu waa dulmanayaan oo wax cabasho ah kama muujin karaan xuquuqdooda maqan waxaana lagu hayaa handadaad oo qofna ma hadli karo” sida aan ka soo xigannay ilo wareedyo madax-bannaan.

Iyadoo Xaaladdani taagan tahay ayuu dhawaan uu madaxweyne Deni safar dalxiis oo kharash badan ku baxayo u aadayaa dalka dibaddiisa.

PUNTLAND POST