Buug laga qoray Abiy Ahmed

Addis Ababa (Wararka PP) — Ku dhowaad lix sano ayaa laga joogaa markuu Abiy Ahmed noqday Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya kaddib markii taliskii TPLF, oo dalka ku maamulayay xisbigii EPRDF, lagu cadaadiyay inuu talada wareejiyo. Abiy wuxuu xilka kala wareegay Hailemariam Desalegn oo Ra’iisal Wasaare noqday geeridii Ra’iisal Wasaare Meles Zenawi kaddib. Tom Gardner oo majadda The Economist Itoobiya uga soo warrami jiray ayaa qoray buug cinwaankiisu yahay The Abiy Project: God, Power and War in the New Ethiopia (Mashruuca Abiy: Eebbe, Awood iyo Dagaal Itoobiyada Cusub). Wuxuu qoruhu waraystay dad badan oo goobjoog u ahaa isbeddeladii ka dhacay Itoobiya sida dagaalka Tigray oo uu ku tilmaamay isir-suulin.

Abiy Ahmed wuxuu sheegay in hooyadiis ay ku riyootay isaga oo boqor Itoobiya u noqday

Abiy Ahmed, oo abaalmarinta nabadda ee Nobel la siiyay 2019, ayaa dhowr jeer ku celceliyay in Itoobiya u baahan tahay bad. Buuggu wuxuu soo baxay dhowaan oo ma cadda in qoruhu dul istaagay Heshiiskii Isafgarad uu Abiy sida sharcidarrada ah ula saxiixday madaxweynaha Maamulka Somaliland oo sheegtay in Itoobiya aqoonsi siin doonto Somaliland kaddib marka badda laga kireeyo 50 sano.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in saxiixista heshiiska badda lagu kireynayo ay ku xiran tahay aqoonsi Itoobiya siiso Somaliland xitaa haddii aqoonsigu uusan horseedin in Somaliland noqoto dal kursi ku leh Qaramada Midoobay. Ma dhicin in dal ka tirsan Midowga Afrika uu qeyb ka mid ah dal kale siiyay aqoonsi dibloomasiyaadeed. Abiy Ahmed, oo tuuray falsafaddiisii Medemer, wuxuu sheegay inuu ka baaraandegayo in Itoobiya u aqoonsato Somaliland dal ka go’ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

© Puntland Post, 2024