
Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyay Habraaca Wax ka beddelka Dastuurka dalka.
180 Xildhibaan oo ka kooban labada aqal Baarlamanka Soomaaliya ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay wax ka beddelka dastuurka, waxaana diiday 30 xildhibaan, sida uu sheegay guddoonka golaha shacabka.
Sawaxan iyo buuq ayaa hareeyeeyay meel marinta habraaca wax ka beddela dastuurka, iyadoo xildhibaanada qaar ay ku eedeeyeen guddoomiyaha golaha shacabka in uu afduubtay Baarlamaanka.
Arrintan ayaa dhalineysa muran xoogan, maadaama go’aankan lagu dhawaaqay, ayada oo ay diidan yihiin inta badan xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka.
Halkaan ka akhriso Habraaca la meel-mariyay





PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.