![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2024/01/11722161_10206834227909226_3040463650071876274_o.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1)
Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa qarax miino oo galabta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeriyooday qaraxa halka in ka badan lix qof oo kale ku dhaawacmeen sida aan ka xigannay goob-joogayaal.
Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay meherad lagu qayilo oo ku taalla xaafadda Tuurta ee bariga magaalada Boosaaso.
Laamaha Amniga Puntland weli kama hadlin khasaaraha qaraxa islamarkaana ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.