![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2024/01/FB_IMG_1705987967326.jpg?resize=720%2C481&ssl=1)
Shir nabadeed oo lagu xallinayo shaqaaqadii ka dhacday degaanka Sheerbi ee gobolka Karkaar ayaa dhawaan ka furmaya magaalada Carmo ee gobolka Bari.
Shirkan lagu nabadaynayo beelihii ku dagaallamay degaanka Sheerbi oo uu gogoshiisa dhigay beeldaaje Maxamed beeldaaje Ismaaciil ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah magaalada Carmo uga furmo 5 bisha February ee soo socota.
Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka gobolka Bari oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo saraakiisha laamaha Puntland ayaa ku sugan degmada halkaas oo uu ka socdo qaban-qaabada shirka nabadaynta.
Guddiga golaha Baarlamanka Puntland u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii degaanka Sheerbi ayaa sidoo kale shalay gaaray degmada Carmo waxaana ay kulamo la yeesheen odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta dowladda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.