Maamullada Galmudug iyo SSC-Khaatumo oo ku heshiiyay Iskaashi buuxa

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-cali iyo Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Mud. Cali Dahir Ciid oo booqasho laba maalmood ah ku joogay Caasimaddu Laascaanood ayaa ku heshiiyey in labada Maamul ay yeeshaan iskaashi buuxa.

Madaxda sare ee SSC-Khaatumo iyo Galmudug ayaa ku heshiiyey sidii labada maamul isaga kaashan lahaayeen arrimaha horumarka gaar ahaan Dhaqaalaha iyo bulshada.

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Mud. Cali Daahir Ciid ayaa si weyn ugu mahadceliyey shacabka iyo Madaxda SSC-khaatumo sida diirran ee ay ugu Soo dhaweeyeen Caasimadda.

Dhankiisa Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha booqashadiisa, isagoona sheegay in Galmudug iyo SSC-Khaatumo ay yihiin laba maamul oo wax badan wadaaga, ismalarkaana uu ka dhaxeeyo xidhiidh aad u wanaagsan.

Ugu danbayn, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mud. Cali Dahir Ciid ayaa maanta soo afmeeray booqasho laba maalmood ah oo uu ku joogay Caasimadda SSC-Khaatumo, isagoona u ambabaxay Caasimadda Puntland ee Garoowe.

PUNTLAND POST