
Laamaha Amniga Gobolka Bari ayaa xalay magaalada Boosaaso ka bilaabay hawlgal oo lagu xaqiijinayo Amniga.
Hawlgalka ayaa bilowday saacado kadib markii guddiga Amniga Gobolka Bari uu shir deg deg ah ka yeeshay xaaladda Boosaaso oo muddooyinkii danbe laga soo sheegayay falal amni-darro ah.
Guddiga ayaa shalay shaaciyay in la bilaabayo hawlgal ciidan oo lagu xasilinayo Amniga Boosaaso islamarkaana magaalada looga sifaynayo canaasiirta Argagixisada ah ee khalkhal gelinta ku haya.
Guddiga ayaa sidoo kale soo saaray awaamiir lagu xaqiijinayo amniga Boosaaso oo ay ku jirto in aysan cidna hub ku dhex qaadan karin magaalada sidoo kalena aan la ogolayn gaadiidka taariko la’aanta ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.