
Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa ka warbixiyay hawlgal ciidan oo xalay ka bilowday magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayay ku sheegeen in ay xalay Boosaaso ka fuliyeen hawlgal lagu xoojinayo Amniga guud ee magaalada.
Taliska Booliska ayaa sheegay in hawlgalka lagu qab-qabtay shakhsiyaad lagu tuhunsan yahay in ay qayb ka yihiin falal amni-darro oo ka dhacay Boosaaso.
Shakhsiyaadka lagu qabtay hawlgalka ayay baaritaan ku hayaan saraakiisha waaxda qaabilsan danbi-baarista ee C.I.D sida lagu sheegay qoraalka Booliska.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.