
Xukuumadda Puntland ayaa markii u horraysay faahfaahin ka bixisay cidda ku casuman munaasabadda caleema-saarka madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Lugatoor.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ka warbixiyay arrintaasi ayaa sheegay in xafladda caleema-saarka ay ku casuman yihiin madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan madaxda maamul goboleedyada.
Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya oo lagu martiqaaday munaasabadda caleema-saarka uu aqbalay in uu yimaado, islamarkaana ay safarka ku wehelin doonaan mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Madaxda Federaalka, madaxweynuhu waa ku casuman yahay caleema-saarka, waana uu aqbalay, maamul goboleedada dhammaantood waa la casumay, qof shaqadu u saamixi waydo oo hawl ka soo gasho mooyaane” ayuu yiri wasiir Caydiid.
Munaasabadda caleema-saarka oo sidoo kale ay ka qayb-galayaan siyaasiyiin madax-bannaan iyo wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto Khamiista Todobaadkan oo ku beegan 25 Jan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.