
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ku sugan Caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa maanta ku wajahan magaalada Laascaanood.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ka amba-baxaya Garoowe waxaana ay ku sii jeedaan xarunta Maamulka SSC-khaatumo ee Laascaanood.
Qaban-qaabada soo dhawaynta Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo wefdigiisa ayaa saaka ka socota Laascaanood waxaana lagu wadaa in uu saacado kadib halkaasi tego.
Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeesho mas’uuliyiinta Maamulka iyo odayaasha SSC–khaatumo sida ay wararku sheegayaan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.