Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday hawlgal ciidan oo Boosaaso lagaga nadiifinayo canaasiirta argagixisada ah ee khalkhal gelinta ku haya amniga magaalada.
Guddiga horumarinta amniga gobolka Bari oo shir deg deg ah ka yeeshay xaaladda amni ee Boosaaso ayaa sheegay in la bilaabayo hawlgal ciidan oo lagu xasilinayo amniga kadib falal amni-darro oo muddooyinkii danbe ka dhacayay Boosaaso.
Mas’uuliyiin ka tirsan guddiga amniga iyo saraakiisha Booliska gobolka Bari oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabanayo xaaladda amni ee Boosaaso waxaana ay shacabka ugu baaqeen in ay la shaqeeyaan ciidamada hawlgalka fulinaya.
Guddiga ayaa sidoo kale soo saaray awaamiir lagu xaqiijinayo amniga Boosaaso oo ay ku jirto in aysan cidna hub ku dhex qaadan karin magaalada islamarkaana aan la ogolayn gaadiidka taariko la’aanta ah.
Tallaabadan ayaa imaanaysa kadib markii todobaadkan falal amni-darro laga soo sheegay Boosaaso gaar ahaanna xarumaha ganacsiga qaarkood oo lagu weeraray bumbo gacmeedyo lagu tuhmayo in ay ka danbeeyaan kooxaha argagixisada ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.