
Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa guddi u magacaabay xallinta dhaqaaqo laba beelood ku dhexmartay degaanka Sheerbi ee Gobolka Karkaar.
Warqad ka soo baxday xafiiska gudoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa lagu magacaabay guddiga oo ka kooban shan xildhibaan.
Warqadda ayaa lagu sheegay in guddiga loo magacaabay in ay qayb ka noqdaan xallinta shaqaaqadii ka dhacday degaanka Sheerbi oo ka tirsan Gobolka Karkaar.
Guddoomiyaha guddiga ayaa laga dhigay xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi oo sidoo kale ah guddoomiye ku xigeenka dallada bulshada rayidka ah ee PUNSAA.
Halkan ka akhriso magacyada guddiga

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.