Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii meesha ka saartay in la dhex-dhexaadiyo ayada iyo Itoobiya illaa Addis-Ababa ay ka laabato is-afgaradka ay la gashay Somaliland.
Xiisadda labada dal ayaa cirka gashay kadib markii dalka aan badda laheyn ee Itoobiya uu is-fagarad la galay Somaliland 1-dii Janaayo, kaasi oo siinaya marin badeed.
Taa beddelkeed, Somalilad — oo si iskeed ah madax-banaani ugu dhowaaqday 1991-kii — ayaa sheegtay in Itoobiya ay siin doonto aqoonsi rasmi ah. Tani ma aysan xaqiijin Addis-Ababa.
“Ma jirto dhex-dhexaadin haddii aysan Itoobiya ka laaban is-afgaradkii sharci-darrada ahaa oo aysan dib u xaqiijin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ayay tiri dowladda Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.