
Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa mar kale Khamiistii shalay ku celiyay in ay si buuxda u aqoonsan yihiin madax-bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Warkaasi waxa ku dhawaaqay Wakiilo ka socday Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Quwadda Maraykanka oo shalay ka qayb-galayay Shirkii Madaxda Urur Goboleedka IGAD ee ka qabsoomay magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda.
Waxay sidoo kale sheegeen in Heshiiskii Somaliland Badda ugu saxiixday Itoobiya uu halis weyn ku yahay Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika islamarkaana wiiqayo dagaalka Caalamiga ah ee ka dhanka ah Argagixisada.
Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa sidoo kale Somaliland ku tilmaamay Gobol ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana ay adkeeyeen in la ilaaliyo Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.