Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Diyaaraddii Itoobiya ee laga celiyay Hargeysa

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa sheegtay inay maanta hawada Soomaaliya ka celisay diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines, oo ku socotay magaalada Hargeysa, taasi oo ay sheegtay inaysan haysan wax fasax ah.

War-saxaafadeed ay hay’adda soo saartay ayey ku sheegtay in diyaaraddaas noceedu ahaa Dash 8-Q400, halka number-ka duulimaadkeeda uu ahaa ET8372.

“Si waafaqsan shuruucda caalamiga ee hawada (Rules of the air) iyo kuwa Soomaaliya ee SOMCARs, duulimaadyadu waa inay fasax (ruqsad) ka haystaan waddamada ay hawadooda marayaan iyo kuwa ay ku dagayaan kahor inta aanay soo duulin (prior to departure)” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay sheegtay in aysan ogolaan doonin in diyaarad aan ruqsan haysani soo gasho dhamaan xuduudaha hawo ee wadanka, iyadoo ilaalinaysa nidaamka iyo wada shaqaynta dhaw ee kala dhexeysa dhigeeda aduunka.

Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka

PUNTLAND POST