Shirkadda Hormuud oo Hay’adda NISA ku eedaysay in ay soo weerartay iyo NISA oo ka jawaabtay Eedayntaasi

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa ku eedeysay ciidamada Hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya ee NISA in ay Axaddii shalay soo weerareen Xarunta Shirkadda Hormuud Telecom ee xaafadda Tareebiyaano ee Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Hormuud ayaa lagu sheegay in ciidanka NISA ay dalbadeen in loo daabaco dhaqdhaqaaqa EVC Plus, balse maamulka Shirkadda ee Xarunta Tareebiyano ay diideen ayaga oo cuskanaya shuruucda dalka.

“Maamulka Shirkadda ee Xarunta Treebiyano oo cuskanaya shuruucda Dalka waxa ay saraakiishii u sheegeen in aysan la wadaagi karin xogta macaamiisha, sida uu qabo qodobka 8aad, faqraddiisa 2aad ee Sharciga Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (Sharci Lr. 003) iyo sidoo kale qodobka 65aad, faqraddiisa 2aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka (Sharci Lr. 005)”.

“Nasiib-darro, ciidankii soo galay xaruntaas waxay geysteen khalkhalgelin iyo ku takrifal awoodeed, waxayna xabsiga dhigeen seddax (3) ka mid ah maamulkii Shirkadda, iyaga oo aanan wadanin fasax maxkamadeed” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Dhinaca kale, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya oo eedayntaasi ka jawaabtay ayaa tiri “Hay’addu waxay baaris ay sameysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada. Sidaas awgeed, Hay’addu waxa ay shirkadda ka dalbatay in ay fatashaad ku samayso dhaqdhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, sida ku cad qodobka 8aad Faqradiisa 3aad ee sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka”.

“Haddaba, halkii shirkadda laga sugayay in ay Hay’adda ku gacansiiso gudashada waajibkeeda Qaran, waxa ay diiday wadashaqayntii iyo ka jawaabista codsiyadii loo diray, waxayna fakisay eedeysanayaashii ka tirsanaa howlwadeennadeeda” ayuu sii raaciyay War-saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya.

Hay’adda NISA ayaa ugu dambeyn sheegtay in ay soo xirtay qaar ka mid ah howlwadeennada shirkadda oo is hortaag ku sameeyay shaqada Hay’adda waxaase wararku sheegayaan in sidoo kale maanta Albaabada loo laabay Xafiisyo Shirkadda Hormuud ku leedahay Magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST