
Dalalka ku midaysan Jaamacadda Carabta ayaa Arbacada Todobaadkan Shir deg deg ah ka yeelanaya xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar, ayaa xaqiijiyay Shirka degdegga ah ee Jaamacadda Carabtu ka yeelan doonto Arbacada soo socota Heshiiskii Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.
Safiirka ayaa bogaadiyay dadaalka ay Jaamacadda Carabta iyo dowladaha kale ee saaxibada ah ugu jiraan garab istaagga dowladda Soomaaliya xilligaan la joogo si loo muujiyo xurmada gobanimada Soomaaliya.
Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa ku baaqay in shirka laga soo saaro go’aan adag oo gebi ahaanba lagu diidayo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya, sidoo kalena lagu taageerayo Madax-bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Safiirka ayaa ku celceliyay in Soomaaliya aysan ka tanaasuli doonin hal taako oo ka mid ah dhulkeeda, iyada oo qaadi doonta tallaabo kasta oo ay kaga hortagayso faragelinta Itoobiya, taas oo ah xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kana soo horjeeda dhammaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.