Madaxweyne Deni oo mudda laba bilood ah dib u dhigay dhismaha xukuumadda cudub

Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Siciid Deni ayaa sida wararku sheegayaan mudda laba bilood ah dib u dhigaya dhismaha xukuumadda cusub.

” Mudda laba bilood ah ayuu Madaxweynuhu dib u dhigay dhismaha xukuumadda cusub waxaana sida uu noo sheegay ka hor uu samayn doonaa xallinta tabashooyinka jira iyo dib u heshiisiin guud” ayuu yiri shakhsi xog-ogaal ah oo aan rabin in magaciisa la xigto.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale tilmaamaya in Madaxweyne Deni uu caleema-saarkiisa kadib qorshaynayo in uu safar nasasho iyo dalxiis ah ugu baxo dalka dibaddiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Siciid Deni uu Baarlamanka weydiisan doono mudda bil ah (30 cisho) oo fasaxa si uu safar nasasho ah ugu soo qaato dalka dibaddiisa.

Waa tallaabo cusub oo aan looga baran mudda xileedkii tegay ee Madaxweynaha in uu Baarlamanka fasax weydiisto marka uu u baxayo safar dibadda ah oo ku siman mudda bil ah (30 cisho) ama ka badan.

PUNTLAND POST