Dowladaha Shiinaha iyo Sucuudiga ayaa sheegay in ay taageeryaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Shiinaha ayaa sheegay inay rajaynayaan in waddamada gobolku ay xallin doonaan arrimaha gobolka iyaga oo u maraya hab diblomaasiyadeed.
Dowladda Sucuudiga ayaa iyaduna sheegtay inay muhiim tahay degganaanshaha gobolka, waxayna carrabka ku adkaystay sida loogu baahan yahay in la ilaaliyo mabaadii’da deris wanaagga.
Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa bilaabatay 1-dii bishan kadib markii maamulka Somaliland uu Itoobiya u saxiixay in ay qaadato qayb kamid ah badda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay heshiiskaasi lagu bixiyay qayba kamid ah biyaha dalka oo ay sheegtay inuu xadgudub ku yahay madaxbannaanida iyo midnimadeeda dhuleed.
PUNTLAND POST