Xukuumadda Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqday in laga wada-hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka lana hakiyo tallaabooyinka socda inta la isaga imaanayo.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa loogu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in laga wada-hadlo arrimaha masiiriga ah ee Federaaleynta iyo dhammaystirka dastuurka.
Puntland ayaa u soo jeedisay dowladda Federaalka ah in ay hakiso dhammaan tallaabooyinka socda inta la isaga imaanayo oo wada-hadal laga yeelanayo arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Xukuumadda madaxweyne Deni ayaa dhinaca kale shacabka Puntland ugu baaqday in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo nabadda degaannada Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.