Khasaare ka dhashay hoobiyaal xalay lagu garaacay xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerar hoobiye oo xalay lagu qaaday xaruntooda Muqdisho kaasi oo uu ku dhintay mid ka mid ah ilaalada Qaramada Midoobey.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in tiro hoobiyeyaal ah ay xalay kusoo dhaceen aagga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, oo dhismaha xafiiska Qaramada Midoobe uu ku dhex-yaallo.

“Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan xaqiijinta ammaanka iyo nabad-galyada shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeynaya taageerada nabadda iyo dowlad-dhisika Soomaaliya” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

“Waxaan cambaareyneynaa falkan rabshadda ah, waxaana dareenkeena uu la jiraa qoyska iyo saaxiibada dhibbanaha inta lagu jiro waqtigan adag” ayuu sii raaciyay War-saxaafadeedka Qaramada Midoobey.

Ka sokow dhimashada weerarka oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda AS ayaa sidoo kale gaystay waxyeello soo gaartay kaabayaasha Qaramada Midoobey

PUNTLAND POST