Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya ku taageertay difaaca Baddeeda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miradhal ah la qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Fei Shengchao.  Safiirka  ayaa la wadaagay madaxweynaha  taageerada Shiinaha ee ku aaddan gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyay mowqifka adag ee dowlada Shiinaha ay ku garab istaageen qaranimada iyo madaxbaaninda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo muujiyay muhiimadda ay u leedahay ilaalinta sharuucda caalamiga ah,  xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.

Safiir Shiinaha Mudane Fei Shengchao ayaa tilmaamay  in Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ay u aqoonsan tahay  Somaliland in ay tahay qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay adkeynayso  ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay.

PUNTLAND POST