
Toban qof oo isku qoys ah, oo uu ku jiro laba jir, ayaa lagu dilay weerar xilli danbe oo habeen ah ka dhacay waqooyiga-galbeed ee dalka Pakistan.
Laba nin oo walaalo ah, xaasaskooda iyo lix caruur ah oo da’doodu tahay 12 iyo ka yar, iyo qof marti u ahaa ayaa lagu dilay degmada Lakki Marwat ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa.
“Baaritaanka hourhdac ah ma soo jeedinayo inuu la xiriiro argagixisanimo,” ayuu taliyaha booliiska degmada Tariq Habib u sheegay AFP.
Khilaafaadka qoysaska ayaa ku badan Pakistan, laakiin gobolka waqooyi-galbeed halkaas oo bulshooyinku u hoggaansamaan xeerarka sharafta dhaqanka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.