Wasiirkii Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Caateeye oo xilkii iska casilay

Wasiirkii Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeyey ayaa xalay shaaciyay in uu si rasmi ah isaga casilay xilkaasi

Waxaa uu sheegay in is casilaaddiisu ay la xiriirto is-afgaradkii ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi Cabdi.

Cabdiqani Caateeye ayaa tilmaamay in uu gebi ahaanba ka soo horjeedo heshiiska Itoobiya uu Muuse Biixi ugu saxiixay qayba kamid ah badda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in go’aankiisu uu ka dambeeyey kulan ay yeesheen madaxweyne Muuse Biixi oo ay ku kala aragti duwanaadeen.

PUNTLAND POST