Madaxweyne Siciid Deni ayaa mar kale ku guulaystay xilka Madaxweynaha dowladda Puntland kadib doorashadii saaka ka dhacday magaalada Garoowe.
Madaxweyne Deni ayaa wareeggii kowaad ee doorashada oo ay kula tartameen 9 musharrax waxa uu ka helay 35 cod oo ah kala bar in ka badan tirada guud ee Baarlamanka Puntland.
Musharrax Guuleed Saalax Barre oo ku soo xigay ayaa helay 9 cod halka Abshir Cumar Huruuse oo kaalinta saddexaad galay uu helay 8 cod waxaana sidaas wareegga labaad ugu gudbay saddexdaasi musharrax.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa wareegga labaad helay 40 cod halka musharrixiintii ku soo xigay ee Guuleed Saalax Barre iyo Abshir Cumar Huruuse kala heleen 17 cod iyo 9 cod.
Ugu danbayntii Siciid Deni ayaa wareeggii saddexaad 45 cod kaga adkaaday musharrax Madaxweyne Guuleed Saalax Barre oo helay 21 cod waxaana uu sidaas mar kale ku noqday Madaxweynaha Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.