Ilyaas Lugatoor oo loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Puntland

Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebilay ayaa loo doortay Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland.

Mudane Ilyaas Lugatoor oo ka soo jeeda Gobolka Sool gaar ahaanna degmada Boocame ayaa hadda ahaa wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Xukuumadda Madaxweyne Deni.

Madaxweyne ku xigeen Ilyaas Lugatoor ayaa markii xilka loo dhaariyay booqasho iyo salaan ugu tegay Madaxweyn ku xigeenkii xilka ka sii dagaya ee Puntland Axmed Karaash.

“Waxaan Salaan ugu tegey Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash” ayuu yiri Ilyaas Lugatoor.

PUNTLAND POST