Kooxaha wadaadada oo ku milmay ololaha doorashada Puntland

Kooxaha wadaadada ayaa ku milmay ololaha doorashada madaxtinimada dowladda Puntland.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in kooxaha lagu magacaabo wadaadadu ay si weyn ugu milmeen ololaha doorashada 2024.

Qaar kamid ah wadaadada ayaa baraha bulshada ku faafiyay qoraallo ay kaga hadlayaan arrimaha doorashada halka kuwa kalena muuqaallo soo duubeen.

Waxa la rumaysan yahay in ay taageersan yihiin musharrixiin gaar ah islamarkaana bulshada uga dhex ololaynayaan.

PUNTLAND POST