Dowladda Denmark oo ku biirtay dalalka ka horyimid is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland

Dowladda Denmark ayaa sheegtay in ay taageersan tahay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya kadib markii Is-afgarad ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Is-afgaradka ay la gashay Itoobiya, ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah siisay Itoobiya muddo 50 sano ah si ay aqoonsi uga hesho dalkaasi.

Dowladda Denmark ayaa ku biirtay dalalka Caalamka ee sida cad uga horyimid heshiiskaasi Itoobiya loogu saxiixay biyaha Soomaaliya islamarkaana waxay sheegtay in aysan gebi ahaanba aqoonsanayn.

Safaaradda Denmark ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X ku sheegtay inay saaxiibada caalamka kula biireyso ixtiraamka ay u hayso madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka Soomaaliya.

“Waxaan carabka ku adkeynaynaa ixtiraamka buuxda ee aan u hayno midnimada-dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya, waxaana ku boorinaynaa dhinacyada inay nabadda ilaaliyaan” ayay tiri Safaaradda Denmark.

PUNTLAND POST