Ciidamada dowladda Hindiya oo soo badbaadiyay Markab lagu af-duubtay Xeebaha Soomaaliya

Ciidamada Kumaandooska dowladda Hindiya ayaa soo badbaadiyay markab xamuul ah oo Khamiistii lagu af-duubtay xeebaha Soomaaliya.

Markabka oo lagu magacaabay MV Lila Norfolk oo ku gooshayay calanka Liberia islamarkaana ku sii jeeday dalka Baxrayn ayaa Khamiistii laga qafaashay xeebaha dhinaca bari ka xiga degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.

Qoraal ka soo baxay Ciidamada Badda Hindiya ayaa lagu sheegay in la soo badbaadiyay Markabka iyo dhammaan shaqaalihii saarnaa oo tiradoodu dhan tahay 21 qof oo ay ku jiraan 15 u dhashay dalka Hindiya.

Wax burcadbadeed ah looguma tegin markabka MV Lila Norfolk waxaana loo jeediyay burcad badeeda ka hor inta aysan ciidamada Kumaandooska India   kusoo degin markabka dushiisa sida qoraalka lagu sheegay.

PUNTLAND POST