
Doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ayaa dhammaystirantay kadib markii la doorto Labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamanka.
Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa loo doortay Maxamed Baarri Shire oo kamid ah Xildhibaannada laga soo doorto Gobolka Bari.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Puntland ayaa isna loo doortay Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe) oo laga soo doorto Gobolka Mudug.
Xilkan Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Puntland waxa hore u qaadan jire Xildhibaannada laga soo doorto Gobollada SSC-Khaatumo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.