Naadiya Maxamed oo loo dhaariyay duqa magaalada St. Louis Park ee dalka Maraykanka

Naadiya Maxamed ayaa loo dhaariyay duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota, kadib xaflad ka dhacday xarunta magaaladaasi,oo ay ka qeygbaleen boqollaal ka tirsan Soomaalida gobokaasi oo ay ku jireen xubnaha la doorto.

Naadiya 27-jir ah, ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo doorasho qof iyo cod ah ku guuleystay tartanka doorashada duq magaalo oo Mareykanka ah.

Waxay doorashadeeda kahore aheyd xubin ka tirsan golaha deegaanka ee magaaladaas, waxaana qofkii ugu da’da yaraa ee noqda duqa magaaladaas.

PUNTLAND POST