
Kala shaki xooggan ayaa ka dhex taagan Siciid Deni iyo shakhsiyaad ka tirsan kooxda u qaabilsan ololaha dib u-doorashada.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in Siciid Deni uu tuhun xooggan ka muujinayo ilaa saddex kamid ah xubnaha u qaabilsan ololaha doorashada.
Shakhsiyaadkan ayuu Deni uga shakisan yahay in ay hoos kala shaqaynayaan qaar kamid ah musharrixiinta Mucaaridka ah ee u taagan xilka madaxweynaha Puntland.
Wararka ayaa intaas ku daraya in jaah-wareer iyo is aaminaad la’aan ka jirto xafiiska ololaha dib u doorashada musharrax Deni.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.