Dowladda Soomaaliya oo waxba kama jiraan ka soo qaaday Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland

Dowladda Soomaaliya ayaa si xooggan uga soo horjeesatay Is-afagradka ay gaareen Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Waxay sheegtay dowladda Soomaaliya in tallaabada Itoobiya ay qaadday ay gardarro iyo xadgudub ku tahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ku tilmaantay tallaabada Itoobiya qaadday ay halis ku tahay deris wanaagga iyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

“Cid awood u leh dhulka Soomaaliya cad ka mid ah inay bixiso ma jirto,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo tilmaamay in dhulka ay iska leeyihiin jiilka soo socda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in is-afgaradka looga dhowaaqay Addis Ababa uusan sina dhaqangal u noqon doonin.

“Jihada aad 1-da Jannaayo u jeesateen kasoo jeesta, waddo idinka ma jirto meeshaas,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo farriin u dirayey Itoobiya.

PUNTLAND POST