
8 xubnood oo ka tirsan xildhibaannada cusub ee Puntland ayaa saaka lagu dhaarinaya xarunta Baarlamanka.
Xubnahan 8-da ah ayaa dhammaantood shalay ka maqnaa munaasabaddii lagu dhaariyay xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Puntland.
7 kamid ah xubnaha saaka la dhaarinayo ayaa ka soo jeeda Gobolka Nugaal halka xubin kalena ka soo jeedo dhinaca Gobolka Bari.
Waxaa sidaas ku dhammaystirmaya dhaarinta xildhibaannada cusub ee golaha wakiilada Puntland kuwaas oo si rasmi ah shaqadooda u bilaabaya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.