Madaxweyne Siciid Deni oo ka horyimid go’aankii xalay ka soo baxay isimada Puntland

Madaxweyne Siciid Deni oo ka horyimid bayaankii xalay ka soo baxay isimada dhaqanka Puntland ee lagu go’aamiyay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan.

Madaxweyne Deni oo xalay saq barkii kulan deg deg ah la yeeshay guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ayaa ku amray in aysan dheg jalaq u siin go’aanka isimada oo uu ku tilmaamay mid dastuurka baal-marsan.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Siciid Deni uu guddiga u sheegay in aysan jirin wax isbeddel ah oo lagu samayn doono shakhsiyaadka wata magaca reer SSC-khaatumo ee uu suuqa ka qortay si uu doorashada ugu galo.

Guud ahaan liiska 66-da xubnood oo ay ku jiraan shakhdiyaadka reer SSC ee suuqa laga qortay ayaa dhammaystirmay saaka waxaana lagu wadaa in si rasmi ah loo shaaciyo Axadda berri ah iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin xiisadda ka taagan arrintaasi.

PUNTLAND POST