Isimada dhaqanka Puntland oo galabta bayaan deg deg ah ka soo saaraya xiisadda doorashada ee ka taagan Garoowe

Isimada dhaqanka Puntland oo shir deg deg ah yeeshay ayaa galabta Garoowe kaga dhawaaqaya in Puntland laga badbaadiyo qalalaase amni, kadib xiisadda ka soo korortay arrinta 17-ka xildhibaan.

Isimada dhaqanka Puntland oo bayaan soo saaraya ayaa lagu wadaa in ay ugu horrayn caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan go’aankii masiiriga ahaa ee ka soo baxay golaha dhaqanka iyo maamulka SSC-khaatumo.

Bayaanka ayaa sidoo kale la filaya in looga hadlo xiisadda ka taaagan Garoowe ee la xiriirta arrinta 17-ka xildhibaan ee SSC oo uu suuqa ka qortay madaxweyne Deni, islamarkaana aan haysan saxiixa rasmiga ee isimada iyo cuqaasha SSC.

Bayaanka isimada dhaqanka ayaa lagu wadaa in uu xal u noqdo xiisadda ka aloosan Garoowe ee ka dhalatay shakhsiyaadka reer SSC ee uu suuqa ka qortay musharrax Siciid Deni, iyadoo marba marka ka danbaysa xiisaddani ka sii darayso.

PUNTLAND POST