
Xiisad xooggan ayaa ka taagan arrinta 17-ka xildhibaan ee laga soo doorto SSC oo uu suuqa ka qortay madaxweyne Deni.
17 xubnood oo laga keenay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha xukuumadda Deni oo aan haysan saxiixa rasmiga ah ee isimada iyo cuqaasha SSC ayaa lagu daray liiska 66-ka Baarlamanka Puntland.
Shakhsiyaadka uu soo xushay Musharrax Siciid Deni ayaa qaarkood haysta saxiixyo lagu been-abuurtay isimada dhaqanka iyo cuqaasha SSC-khaatumo oo dhawaan si buuxda u caddeeyay mowqifkooda doorashada.
Tallaabadan ayaa waxa si weyn uga horyimid musharrixiinta Mucaaridka ah ee Puntland oo digniin dhab ah ka soo saaray waxaana sidoo kale ka dhashay khilaaf ba’an oo u dhexeeya Siciid Deni iyo Axmed Karaash.
Xiisadda ka taagan 17-ka xildhibaan ayaa ka sii daraysa waxaana warar dhanka amniga ah sheegayaan in diyaar-garow ka jiro dhinaca Mucaaridka si ay tallaabo u qaadaan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.