
Dowladda Puntland ayaa saaka xabsiga dhigay Agaasimaha Laanta Lixaad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya u qaabilsan degaannada Puntland Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil oo ku magac dheer Fu’aad.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in saaka xabsiga Garoowe loo taxaabay Agaasimaha Laanta Lixaad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya u qaabilsan degaannada Puntland Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil oo (Fu’aad).
Wararka ayaa sheegaya in Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Axmed Taaran uu Agaasime Fu’aad waaran uga soo jaray Maxkamadda Garoowe inkastoo aysan weli dowladdu shaacin eedda loo haysto mas’uulkaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.